daajis.com:- Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa waxay si Rasmiya uga mid noqon doonaan Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Qaybtiisa 54-aad, Kuwaasi oo Hoos tagi doona Dawladda Dhexe ee Soomaaliya.
Sidiiq Warfaa oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, Sidoo kalana ah Xoghayaha Guud ee Gudiga Difaaca ayaa Xaqiijiyey Arintaan, Wuxuuna sheegay in maalinta Beri ah (Khamiis) loo Qaban doono Munaasibada lagu shaacinayo.
“Iyadoo ay Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ku Howlantahay Tayaynta iyo Midaynta Ciidamadii Qaranka Soomaaliyeed ayaa Bari Khamiis ah ( 30-ka Bisha, 2017) Ciidanka Daraawiishta Puntland si Rasmi ah uga mid noqon Doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Qaybtiisa 54aad, waana Talaabo Wanaagsan oo lagu soo celinaayo Kalsoonida Shacabka.
Gudiga Difaaca oo leh korjoogteenta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa arintan kala shaqayndoono Wasaarada Gaashaandhiga, Dowlad-Goboleedyada iyo inta ay Qusayso (All stakeholders) Guul Soomaaliya “ Ayuu yidhi Xildhibaan Sidiiq Warfaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at