daajis.com:- Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu qabtay Munaasabad loogu magac daray Geediga Dowladnimada iyo Waxqabadka Xukuumada oo uu soo agaasimay Xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumada Soomaliya.
Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiiradiisa, Xildhibaano katirsan labada gole ee Baarlamaanka Somaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka.
Kheyre oo hadal dheer ka jeediyay madasha ayaa ku dheeraaday ka hadal waxqabadka xukuumada oo haatan jirsatay ku dhawaad 10 Bil iyo waxa uqorsheysan mudooyinka soo socda.
Kheyre ayaa sheegay inuu dalka yimid iyadoon aaney wax lacago ah kujirin Accounka dowladda balse uu rajeynayo inuu xilka isaga tago iyadoo ay lacago badan kujirto qasnada Dowladda, waxa uu sidoo kale ka hadlay dhismaha Golaha adeega garsoorka iyo Maxkamada Dastuuriga ah.
Waxa uu soo qaatay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, dadaalada ay ugu jiraan in la ciribtiro musuq maasuqa dalka hareeyay, waxa soo qaatay sidoo kale dagaalka ka dhanka ah AlShabaab isagoo muujiyay yidadiilo ku aadan in laga guuleysto.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at