Kooxdan ayaa si weyn uga qaraaban jirtay degmada Howlwadaag iyo agagaarka suuqa bakaaraha, waxaaan lagu soo bandhigay saldhigga Booliska Howlwadaag. Afhayeenka ciidamada Booliska Qaasim Axmed Rooble inay howlgalka iska kaashaadeen Booliska, Nabadsugidda iyo sahcabka.
Burcad ka kooban 4 nin oo watay Bistoolad iyo Mooto ay dadka ku dhici jireen ayaa lasoo bandhigay, waxaana la sheegay in sharciga la horgeyn doono, iyadoo dadka degaanka ay muddooyinkan ka cabanayeen dhaca lagu fuliyo mootooyin.
Raggan ayaa lagu soo bandhigay Saldhigga Booliska ee Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho,waxaan saxaafadda horgeeyay Afhayeenka Booliska Qaasim Axmed Rooble.
Qaasim waxaa uu sheegay in Dhallinyaro badan ay Habeenkii dhac ka geystaan Magaalada Muqdisho,kuwaas oo dadka ka qaata Taleefannada iyo lacagaha caadiga ah ee ay wataan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:04 and have
, Published at