Mr Desalegn oo xukunka la wareegay sanadkii 2012, kaddib geeridii Meles Zanawi ayaa wajahayay caqabado iyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo bilihii la soo ka jiray dalka Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ayaa wajaheysay mucaarado xooggan iyo rabshado uga imaanayay qowmiyadaha ugu ballaaran dalkaas sida Oromada iyo amxaarada, iyadoo hey’adaha xuquuqda Aadanaha ay ku eedeeyeen xadgudubyo dhinaca bani’aadanimada oo ka dhacay dalkaas.
Sanadkii hore ayaa laga qaaday xukun degdeg ahaa oo bilooyin saarnaa dalkaas iyo xanibaad la saaray qeybo ka mid ah dalkaas oo rabshado ay hareeyeen.
Is casilaada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemarima ayaa waji cusub gelineysa xaalada dalka Itoobiya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:52 and have
, Published at