Kulanka Baarlamaanka Federaalka waxaa soo xaadiray 170-Xildhibaan waxaana xeerkan dalka looga mamnuucay Shirkada DP World ansixiyay 168-Xildhibaan , waxaana diiday hal xildhibaan, waxaa sidoo kale ka aamusay xal Xildhibaan oo kale.
Xeerkan dalka looga mamnuucay Shirkada DP World ayaa loogu magac daray ”Xeerka Dhowrida Gobonimada iyo Midnimada Gayyiga Soomaaliya ” waxa uuna xeerkan ka kooban yahay dhoor qodob oo xasaasi ah.
Sida ku cad xeerkan Shirkada DP World ayaa ku xad gudubtay Siyaasada ,Madax banaanida iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliya, waxaana xeerkan Baarlamaanka meel mariyeen uu yahay mid gabi ahaan shirkadan dalka looga mamnuucayo.
Xeerkan ayaa cadeenaya in heshiis kasta oo caalami ah ay gali karto Xukuumada Federaalka Soomaaliya isla markaana lasoo marsiinayo heshiiskaasi Baarlamaanka si ay u meel mariyaan.
Xeerkan goordhaw meel mariyaan Baarlamaanka Fedrraalka Soomaaliya ayaa loo gudbin doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo si uu xeer Madaxweyne isna ugu meel mariyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:31 and have
, Published at