Muuqaal laga baahiyay Warbaahinta ayaa muujinaya gantaalkan casriga ah oo laga ridayo diyaarad nuuca dagaalka ah, waxa ayna Dowlada Ruushka sheegtay in tijaabadan noqotay mid guuleesatay.
Gantaalkan oo lagu magacaabo Kinxhal ayaa ah nuucii ugu dambeeyay uu Ruushku soo saaro, waxaana gantaalkan uu xambaari kara hubka Nukliyeerka , waxa uuna Xawaarihiisa ka badan yahay kuwa jamaqda isaga oo gaari kara masaafo dhan illaa 2,000 km.
Madaxweynaha Rushka ayaa khudbad uu dhawaan jeediyay ku shaaciyay in ay sameesteen gantaalo casri ah oo xambaari kara hubka Nukliyeerka, waxa uuna u shiday dadkii daawanayay Muuqaalka Gantaalo ku hoobanaya gobolka Florida ee dalka Mareykanka.
HALKAN GUJI OO KA DAAWOFADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:04 and have
, Published at