Hadii ay booqashadaan Madaxdaan sare Suurta gasho waxaa aduunka uu ku sii siqayaa in ay sameysmaan isbaheyso , waxaana hardanka ugu weyn uu noqon doonaa cidda gacanta ku dhigta Marinka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya oo noqon doonta mid Maamuli doonta Gacasiga aduunka.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qadar hadii ay dhacdo waxay dadka Saadaalinayaan in gabi ahaanba xiriirka loo jaro Dowladda imaaraadka ka dib markii uu Duqlaadkii uu ka dhamaadey Dowlada Federaalka islamarkaana Shacbka ay si weyn uga soo horjeesteen faragelinta Imaaraadka iyadoo Madaxweyne Farmaajo Khudbadii uu ka jeediyey BAarlamaanka uu si weyn durey heshiiskii Barbara kuna Tilmaamey mid ka hor imaanaya midnimada Soomaaliya
Dowlada Ruushka ayaa Sannadkii 1977 Xiriirka u jartey Dowladii Milatariga ka dib markii ay la safatey dowlada Itoobiya wixii waqtiaa ka dambeeyey Xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka waxaa uu ahaa mid iska gabi Dhacleynaya waxayna Dadka Siyaasada u Kuurgala ay sheegayaan Isbaheysiga Turkiga , Ruushka, Qadar Masar u u leeyahay Faaiido iyo Khasaaro.
Markaan ka fiirino waxa ka imaan kara hadii ay Soomaaliya ku Biirto Isbaheysigaa in Aduunka uu ku Hardamo Dhulka iyo Badaha Soomaalia maadaama la sheegey in Marinka Badda Cas iyo Badweynta Cidii gacanta ku dhigta ay Mustaqbalka noqon doonaan mid laga Maamula Ganacsiga aduunka, waana mida maanta ay la rafaneyso Dowlada Imaaraadka oo ka cabsi qabta in ay meel cidla ku soo dhacda sidaa Darteed isbaheysiga uu Horkacayo Turkiga dadka Soomaaliyeed badankiis waxay qabaan mid mira dhali doonaa waa hadii uu ka badbaado Isbaheysiga kale ee Imaaraadka iyo Sacuudiga oo lagu xanto in ay u adeegayaan Mareykanka, Hadaba la arki doonaa waxaa ka soo baxa Booqashada Ordogan iyo Putin ee Soomaaliya, inkastoo Bulshada Soomaaliyeed ay aad uga Xumaadeen Dhibaatada Ruushka ka sameeyey Suuriya
E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494 228697782-yilwcljq
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:44 and have
, Published at