Baashe Cawil Cumar oo ah wakiilka maamulka soomaalilanad u jooga Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan ay faa’ido badan ku qabaan saldhiga military ee dawlada Imaaraatku ka dhisay magaalada Bar Bara waxa uu sheegay in qorshaha ay ku jirto in saldhigaas looga duulo dalka Yemen.
“Imaaraatka Carabtu waxay saldhigaas noogu tababari doonaan ciidamadeena amaanka sidoo kalena waxay iyagu u adeegsan doonaan inay uga duulaan dalka Yemen” ayuu yiri Baashe Cawil Cumar oo ah wakiilka Soomaaliland ee Imaaraatka Carabta.
hadalkaan ayaa sheegay wakiilka maamulka Soomaaliland u jooga Imaaraatka Carabta Baashe Cawil Cumar sida maanta lagu qoray Bogga BBC da.
Dawlada Imaaraatku waxay qeyb ka tahay dawlado ay ciidamadoodu ku duuleen dalka Yemen ayagoo caawinaya dawlada la aqoonsanyahay ee Yemen.
Muuqaalo horey baraha bulshadda loogu baahiyay waxaa ka muuqanayay koox sheeganaysa inay Xuutiyiinta Yemen ka tirsan yihiin oo u goodinaya Soomaaliland haddii dhankooda laga soo weeraro.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:05 and have
, Published at