daajis.com:- Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa dilay kadibna dab qabadsiiyay gabar saaxiibo ahaayeen kadib muran soo kala dhax galay, waxaana dhacdadan noqotay mid si weyn uga argagaxeen dadka u dhashay Koonfur Afrika.
Maxkamadda sare ee magaalada Johannesburg ayaa ku heshay Sandile Mantsoe in uu toorey ku dilay kadibna Meydkeeda gubay si uu u qariyo Karabo Mokoena oo 22-sano jir aheyd saaxiibna la aheyd.
Dilka foosha xun uu ninkan u geestay gabadha saaxiibta la aheyd ayaa si weyn looga carooday dalka Koonfur Afrika, waxaana dadka baraha bulshada isticmaala gaar ahaan dumarka bilaabeen adeegsiga astaantan #MenAreTrash.
Dalka Koonfur Afrika ayaa kamid ah wadamada ugu badan caalamka ee ka dhacana kufsiga dumarka loo geesto, waxaana sanadkii dalkaasi laga diiwaan galiyaa In kabadan 40,000 oo kiis oo kufsi ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:38 and have
, Published at