Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdi Casiis Cali Ibraahim ayaa sheegay in afduubka Haweeneyda u dhalatay Jarmalka uu ka dambeeyay mid kamid ah ilaaladeeda oo lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Calas.
Waxa uu sheegay Afhayeenka in ciidamada amaanka wadaan baaritaano adag kuna daba jiraan raga afduubka u geestay haweeneydan u shaqeeneysay Hay’ada ICRC xafiiskeeda Muqdisho.
Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen gaarigii dableyda afduubka ku geesatay , waxa uuna sheegay in booliiska baarayaan gaarigaasi iyo cidii iska laheyd.
Dhinaca kale Qoraal kasoo baxay Hay’adda Laanqeyrta Cas Caalamiga ee ICRC ayaa lagu cambaareeyay afduubka loo geestay Kalkaaliso u dhalatay dalka Jarmalka oo la sheegay in Soomaaliya u timid bad baadinta nolosha dadka Soomaaliyeed.
Magaalada Muqdisho sanadihii ugu dambeeyay kama dhicin wax afduub ah oo loo geestay dad ajaaniib ah, waxaana afduubkan dhacay cabsi badan ku beereysa ajaaniibta Muqdisho kunool.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:50 and have
, Published at