Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd Qaaradda Afrika.
“Annaga oo dhammaystirayna qorshaha la wareegidda garoonkan, waxaynu dib u cusboonaysiin iyo dib u dhis ku samaynaynaa garoonkan, si loo soo celiyo bilicdii uu lahaan jirey Muqdisho Stadium.”waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Madaxweyne Farmaajo
Bahda ciyaaraha ayaa marar badan sheegay in ay jecelyihiin in uu dib u shaqeeyo garoonka Stadium Muqdisho si ay usoo noqdaan tartamada caalamiga uu dalkeena ugu qeyb galo caalamka dadka soo dhaweeyay da’aal horomarneyd ee ka socda garoonka waxaa ka mid ah gudoomiye ku Xigeynka 2-aad ee xiriirka kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), iyo Maxamed Cabdulle Farayare oo ka mid ah macalimiinta farsamada X.K.Cagta,iyagoo arinta ku tilmaayay geed socoda wanaagsan ee isboortiga gudaha
Kooxda qurbajoogta Soomaaliyeed oo intii u dhaxaysay 17-30-October caasimada Muqdisho ka samaysay is dhaxgal bulsho iyo ciyaaro saaxiibtinimo ayaa nasiib u yeeshay in ay booqdaan garoonka Stadium,iyagoo ka qeyb qaatay nafaada kala duwan oo ka socotay Xuseen Aba Nuur Abti oo horay ugu ciyaaray kooxda wagad iyo xulka qaranka kana mid ahaa wafdiga kooxda qurbajoogta ayaa sheegay bilo ka hor wixii uu ka arkay baraha bulshada iyo sida hada loo diyaariyay Stadium oo u dhaxeeyo farqi weyn loona baahanyahay in inta dhiman la dhameystiro
Dowladda ayaa balan qaaday in muddo gaaban lagu hagaajin doono garoonka si loo soo celiyay maqaakii ciyaaraha caalamka ee wadankeena ku lahaa adduunka waxayna arinta guul u tahay bahda ciyaaraha
Halkaan Ka Daawo Wixii Iska Badalay Garoonka Stadium Labadii Bil Lasoo DhaafayFADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:41 and have
, Published at