daajis.com:- Qoraal ka soo baxay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayuu ku dhawaaqay in la kala diray Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka.
Muudeey waxaa uu ku sababeeyey
- Markii caddaatay khilaafka ka dhex jira guddoonka guddiga, oo gaaray heer fool xun.
- Markii ay xubnaha isku khilaafeen golaha hortiisa, oo aaney muuqan wadashaqeyn ay ku guraan waajibkooda
- La tashtay guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad
- Intaasi kadib, waxaa uu soo saaray go’aankan:
Waa la kala diray xubnaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka
Waxaa degdeg loo magacaabaa guddi maaliyadeed oo cusub
Waxaa degdeg loo qaban-doonnaa doorashada guddoon cusubFADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:57 and have
, Published at