daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka, qeybtooda 60-aad ay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameyeen duleedka magaalada Xudur oo xarun u ah gobolkaasi.
Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen deegaanada Gomori, Aboore, Banjinaay iyo Doonfuul oo dhammaan hoostaga magaalada Xudur.
Wararka ayaa sheegaya in howl-galkan oo ay horkacayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, kadib ciidamadu ay fariisimo hor leh ka sameysteen halkaasi.
Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen deegaanada ay la wareegeen, si looga hortago dib usoo rogaal celinta kooxda Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dadka deegaanka la hadlay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka oo uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Xoogga dalka.
Ujeedka howl-galkan ayaa sidoo kale lagu sheegay sidii go’doonka looga qaadi lahaa Xudur oo ay dhinac ah ka joogaan xoogaga Al-Shaabaab oo diiday in dhulka loo maro degmadaas.
Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:02 and have
, Published at