General Axmed Nasser al-Raisi oo loo doortay Madaxa hay’adda Interpol

General Axmed Nasser al-Raisi oo loo doortay Madaxa hay’adda Interpol

daajis.com:- General Axmed Nasser al-Raisi Wasiirkii arrimaha gudaha Imaaraadka Carabta ayaa loo doortay inuu madax ka noqdo afarta sano ee soo socota hay’ada Booliska Caalamiga ah Interpol.

Hase yeeshee Generalkan oo si aan wax mushaar ku qaadan doonin howshan ayaa lagu eedeeyay inuu wax ka qaban waayay eedeymo loo soo jeediyay ciidamada Booliska Imaaraadka oo xadgudubyo ku kacay.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa aad uga soo horjeestey doorashada generalkan.
Si kasta ha ahaatee Gen Raisi ayaa xilkan ku guuleystey doorasho saddex wareeg ahayd oo ka dhacday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Waajibaadkiisa waxaa ka mid noqon doona guddoominta shirarka guddiga fulinta, kaas oo kormeeraya shaqada Xoghayaha Guud ee Jürgen Stock. Mr Stock waa sarkaal waqti buuxa ah oo kormeera hawl maalmeedka Interpol.

Gen Raisi ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray inay “sharaf” u tahay in madaxweyne loo doorto wuxuuna ballan qaaday inuu dhisi doono urur hufan,go’aan qaadasho leh oo ka shaqeeya sidii loo sugi lahaa ammaanka dadka oo dhan.

Qoraal kale oo uu soo saaray ayuu ku caddeeyay in Imaaraadku uu yahay mid ka mid ah meelaha ugu ammaanka badan adduunka iyo in dawladda Khaliijka Carabtu ay sii wadaan xoogga ugu muhiimsan ee isbeddelka wanaagsan ee gobolka ugu adag adduunka.


Qareeno u doodaya Hay’adda Khaliijka ee Xuquuqda Aadanaha (GCHR) ayaa sidoo kale dhawaan cabasho rasmi ah ka gudbiyay Gen Raisi dalalka Faransiiska iyo Turkiga.

Kooxda ayaa ku eedeeysay inuu ku lug lahaa xarig iyo jirdil sharci darro ah oo loo geystay Axmed Mansuur, kaasoo la xiray 2017-kii, kadibna lagu xukumay 10 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay inuu dalka aflagaadeeyey.

La taliyaha madaxweynaha Imaaraadka Anwar Gargash ayaa sheegay in eedeymahan ay qeyb ka yihiin olole sumcad dil ah oo la soo agaasimay oo meel ka dhac ah oo doorashadu ay hadda tahay mid xaq ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada