Muhaajiriin Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Liibiya

Muhaajiriin Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Liibiya

daajis.com:- Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyada oo adeegsanaysa barnaamijkeeda Soo-celinta Bani’aadamnimada waxa ay fududaysay in 32 muhaajiriin Soomaali ah si nabad ah lagu celiyo bishaan Noofambar gudaha Soomaaliya.

Waxaa kaloo ay sheegtay in ku dhawaad 6,000 kun oo Muhaajiriin Soomaali ah ay ku dhibaateysan yihiin xabsiyada iyo sidoo kale xeryaha ku yaalla dalka Liibiya ayna u baahan yahay in dib loogu soo celiyo dalkooda.

“Hadda, waxaa Liibiya ku sugan ku dhawaad 6,000 oo muhaajiriin Soomaali ah, kuwaas oo intooda badan ay weli ku xayiran yihiin meelo kale duwan oo dalkaasi ku yaalla ” ayuu yiri Federico Soda, madaxa howlgalka IOM Libya.”

Hay’adda IOM waxa ay sheegtay in dadaal badan ay ku bixin doonto sidii dadkaasi loogu soo celin lahaa Soomaaliya, sidoo kalena kuwa hadda soo laabtay oo ku sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa ay siisay kaalmo ay ku dabari karaan noloshadooda inta ay kala qabsanayaan Magaalooyinka.

Soomaalida ku sugan dalka Liibiya ayaa isugu jira kuwo ay ku qabsadeen dagaalladii halkaasi ka dhacay oo horay ugu noolaa iyo sidoo kale boqolaal doonayay in ay tahriib kusii maraan oo ciidanka dalkaasi ay xireen.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada