Nooc cusub oo cudurka Karoonaha oo lagu arkay qaar ka mid ah dalalka Caalamka iyo xayiraado looga dhawaawaqay

Nooc cusub oo cudurka Karoonaha oo lagu arkay qaar ka mid ah dalalka Caalamka iyo xayiraado looga dhawaawaqay

daajis.com:- Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqay nooc cusub oo coronavirus ah, kaasoo halis ku ah dunida kana sii qartarsan noocyada Karoonaha ee horay loo soo arkay, waxaana hay’adda ay u bixisay noocaan Omicron.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in markii ugu horreysay laga soo sheegay Koonfur Afrika 24kii Nofembar, waxaana sidoo kale lagu aqoonsaday Botswana, Belgium, Hong Kong iyo Israel.

Wadamo dhowr ah ayaa hadda go’aansaday in ay mamnuucaan ama xaddidaan socdaalka iyo dadka  imaanaya koonfurta Afrika.

Qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa sheegay in noocaan cusub ee Karoonaha oo ah midkii Afraad in ay ka hor tagi doonaan in dalalkooda uu soo gaaro.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in la xannibi doono duullimaadyada ka imaanaya Koonfur Afrika, Botswana, Zimbabwe, Namibia, Lesotho, Eswatini, Mozambique iyo Malawi, wixii ka dambeeya maalinta isniinta ah ee soo socota.

Wadamada, Hindiya, Iran, Japan ,Midowga Yurub iyo Switzerland ayaa sidoo kale si ku meel gaar ah u joojiyay duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka imaan jiray qaar ka mid ah wadamada koonfurta Afrika.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada