Daawo: Nin Soomaali ah oo xaaskiisii hore ka faafiyey muuqaal anshax xumo ah oo xukun adag lagu riday

Daawo: Nin Soomaali ah oo xaaskiisii hore ka faafiyey muuqaal anshax xumo ah oo xukun adag lagu riday

daajis.com:- Maxkamadda degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun xabsi iyo ganaax lacageed ah isugu dartay Cali Xabiib Maxamed oo lagu soo eedeeyey inuu muuqaal anshax xumo ah ka faafiyey haweeney ay kala tageen.

Ugu horeyn xeer ilaalinta ayaa soo jeedisay gal dacwadeedka eedeysanaha, waxayna sheegtay in Cali uu qirtay inuu faafiyey muuqaal ay isku qarsadeen xaaskiisii hore.

Farxiyo Maxamed Aadan oo ah haweeneyda ay kala tageen Cali ayaa u dacwootay hey’adaha garsoorka Puntland ee degmada Burtinle, kadib markii ay baraha bulshada ku aragtay muuqaal anshax xumo ah oo seygeedii hore uu ka faafiyey.

Eedeynta kadib, xeer ilaalinta ayaa maxkamadda u soo jeedisay in Cali Xabiib lagu xukumo laba sano oo xabsi ah iyo 5,000 oo dollar oo ganaax ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Burtinle Maxamuud Jaamac Mire oo ugu dambeyntii xukunka kiiskaas ku dhawaaqay ayaa Cali Xabiib Maxamed ku xukumay laba sano oo xabsi ah iyo 3,000 oo dollar oo ganaax ah.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada