DEG DEG: Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday Rooble

DEG DEG: Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday Rooble

daajis.com:- Golaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey go’aankii uu ra’iisul wasaare Rooble toddoba xubnood uga eryey guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, waxayna dalbadeen tallaabooyin kale.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha uu eryey ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada Soomaaliya.

“Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhaweynayaa tallaabada uu xilka kaga qaaday Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka, loogana hortago ku xadgudubka xuquuqda muwaadinka, islamarkaana laga fogaado wax kasta oo dhaawici kara hufnaanta doorashada, keeni karana cadaalad darro,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen golaha.

Golaha ayaa dalbaday in lagu laabto go’aanadii ay horey u gaareen guddiga xalinta khilaafaadka. 

“Isbedelka lagu sameeyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu horudhac u yahay soo celinta kalsoonida shacabka, waana in dib looga laabto go’aannadii guddiga ay hore u gaareen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Goluhu wuxuu ku dhiirri gelinaayaa Ra’iisul Wasaaraha inuu waddo kasta oo sharci ah u maro suulinta caqabadaha dhiman ee weli ku horgudban doorashooyinka Golaha Shacabka, si ay dalka uga dhacdo doorasho hufnaan iyo daahfurnaan leh, maadaama isaga loo igmaday taabbagelinta doorashooyinka dalka.”


Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay garab istaagayaan tillaabo kasta oo lagu saxayo geedi-socodka doorashada, si loo helo doorasho natiijadeeda lagu kalsoonaan karo, dalkana ka samatabixisa qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada