Galmudug oo Ciidamo u dirtay degaan ay weerareen Al-Shabaab

Galmudug oo Ciidamo u dirtay degaan ay weerareen Al-Shabaab

daajis.com:- Waxaa Maanta degan xaaladda degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo xalay xilli dambe ay tageen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo weeraray, waxaana ka dhacay dsgaal kooban oo u dhaxeeyay Ciidamada Booliska Galmudug & Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Al-Sbabaab ay weerarmooda ku bartilaameed sadeen bar-koontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliska Galmudug kadibna ay dib uga laabteen.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in degaanka godinlabe ay gaareen Ciidamo kala kala tegag Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah ka sameeyay Gudaha degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.

Dadka degaanka Godinlabe ayaa waxaa ay sheegayaan inay dareemaan cabsi ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo maadaama Galmudug ay degaanka keentay Ciidamo farabadan.

Degaano iyo degmooyin kuyaalla Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalaamay Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab walow bilihii la soo dhaafay xaaladda degaannada Gobolada Dhexe ay aheyd mid degan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada