daajis.com:- Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka soo baxay ee sheegaya inay wada-hadal la fureen madaxweyaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Siyaasi Cabdiraxmaa Cabdishakuur ayaa been abuur ku tilmaamay in Midowga Musharaxiinta ay wada-hadallo kala fureen Farmaajo muddo kororsi iyo dhismaha dowlad wadaag ah.
“Waa dacaayad, warkaas wax ka jiro malaham, ciddii wax ka doontaa madaxwayne xilkiisu dhamaadey waa iyadda oo booli doonatay,” ayuu yiri xilli uu wareysi siiyey Telefishinka Universal.
Warsame oo rumeysan in shacabka Muqdisho ay ugu dul qaateen maamulka Farmaajo inuu sii joogo isagoo muddo xileedkiisu dhamaadey ayaa hoosta ka xariiqay in aysan marnaba aqbali doonin doorasho boob ah.
“Dulqaadkeena iyo dulqaadka dadka caasimada waxaa kamid ah in madaxweyne aan sharciyad haysan uu wali canshuurtii qaadanayo, ciidankii xukumaayo oo uu iska fadhiyo; waana ayaan darro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdshakuur.
Hadalka kasoo baxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Cumar Cabdirashiid uu wado qorsho lagu heshiisiinayo madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale beeniyey in Midowga Musharaxiinta uu haatan ku kala qeybsamay qadiyadda la xiriirta boobka doorashooyinka ayaa soo bandhigay laba qodob oo la dhaqan-geliyo aysan sii jiri doonin musharaxiinta.
Labadda qodob ayuu ku kala sheegay; in doorashada waqtigeeda ku dhacdo iyo in doorashadda noqoto mid daahfuran oo la tartami karo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:36 and have
, Published at