daajis.com:- Dagaalkii ka socday magaalada Boosaaso ayaa hadda qaboobay iyadoo rasaas goos-goos ah weli la maqlayo
Inta la xaqiijiyay dowladda waxa ka dhintay hal askari waxaana ka dhaawacmay lix kale.
Ciidanka ku sugan xarunta PSF waxaa inta la xaqiijiyay ka dhaawacmay 8 askari.
Shacabka waxaa la xaqiijiyay hal qof oo maydkiisa la geeyay isbitaalka iyo dhaawaca 7 ruux oo kale.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii u dambeeyay Baydhaba joogay ayaa lagu wadaa in uu Galabta dib ugu laabto caasimadda Garoowe.
Lama oga in Madaxweynuhu ka hadli doono dagaalka Boosaaso iyo in kale.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:10 and have
, Published at