AFRICOM: Calooshood u Shaqeystayaal Ruush ah ayaa jooga Mali

AFRICOM: Calooshood u Shaqeystayaal Ruush ah ayaa jooga Mali

daajis.com:- Dawladda Maraykanka ayaa xaqiijisay wararka sheegaya in kooxda Wagnar oo ah askar calooshood u shaqeystayaal ah hadda la geeyey dalka Mali. Kooxdan ayaa taageero ka helaysa militariga Ruushka.

General Stephen Townsend, madaxa ciidanka Maraykanka ee Afrika ee Africom ayaa yiri “Kooxda Wagner waxa ay ku sugan tahay Mali. Halkaas ayey joogaan, waxaanan u malaynaynaa in hadda tiradoodu ay boqolaal gaareyso. Townsend ayaa warkan idaacadda VOA u sheegay mar uu wareysi gaar ah oo khadka Skypte-ka ah siiyey Khamiista maanta ah, isaga oo ku sugan xaruntiisa magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka.

Waxa uu intaas raaciyey “dayuuradaha ciidanka cirka ee Ruushka ayaa keenaya. 

Adduunyadu way arkaysaa waxan dhacaya. Annaga welwel weyn bay nagu haysaa.”







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada