Booliska KENYA oo shaacisay inay howlgal ku dishay 15 ka tirsanaa Al-Shabaab

Booliska KENYA oo shaacisay inay howlgal ku dishay 15 ka tirsanaa Al-Shabaab

daajis.com:- Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada Kenya ay ka fuliyeen deegaano dhow dhanka xadka Somalia kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar culus ka fuliyey halkaasi.

Saraakiil u hadashay Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi lagu dilay ugu yaraan illaa 15 xubnood oo looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay ciidamadu weerar ku qaadeen halka loo yanaano Bodhei oo ka tirsan kaynta Boni.

Booliska ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu ay maalmihii u dmabeeyey ku raadjoogeen xubnahaasi oo lagu eedeeyey inay geyteen weerar lagu dilay illaa 6 qof oo ka dhacay gobolka Xeebta ee Laamu.

Sidoo kale waxay saraakiishu intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga hortago weerarada ay kooxda ka geysato Waqooyi Bari.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab, kuna aadan howl-galkaas ay Kenya shaacisay inay uga dishay xubnahaasi.

Xaaladda ammaan ee gobolka Waqooyi Bari ayaa beryihii dambe aheyd mid aad u liidata, waxaana ka dhacay weeraro qorsheysan oo lagu dilay dhowr qof.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa tan markii la galay sanadkan cusub ee 2022 kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahana deegaanada u dhow xadka Somalia.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada