Boqortooyada Sacuudiga oo Israiil u dirsatay codsi lama filaan ah oo lala yaabay

Boqortooyada Sacuudiga oo Israiil u dirsatay codsi lama filaan ah oo lala yaabay

daajis.com:- Sida uu shaaciyay wargeyska The New York Times ee ka soo baxa Maraykanka Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa telefoon u diray Benjamin Netanyahu oo xilligaas ra’iisal wasaare ka ahaa Israa’iil, si uu ugu fududeeyo arrin uu daneynayey.

Sacuudiga ayaa doonayey barnaamijka wax basaasa ee ay samayso shirkadda NSO Group ee Israa’iil laga leeyahay kaasoo loo yaqaan Pegasus oo sanadkii 2019 laga joojiyay Sacuudiga.

Baaritaanno la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Pegasus ay dowladaha caalamka intooda badan u isticmaalaan dabagalka shakhsiyaadka ay doonayaan inay ogaadaan xogtooda.

Kadib dilkii weriye Jamal Khashoggi, shirkadda NSO Group ayaa la sheegay inay diidday cusbooneysiinta ruqsadda isticmaalka barnaamijka Pegasus ee Sacuudi Carabiya

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kaaliyayaasha dhaxal sugaha ay la hadleen saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Israa’iil iyo sirdoonka Mossad, balse ay ku guuldaraysteen inay soo celiyaan ruqsadda.


Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa markaa kadib si toos ah telefoonka ugula hadlay ra’iisal wasaarihii Israa’iil ee xilligaas, Benjamin Netanyahu, waxaana uu ka codsaday inuu farageliyo xaaladda, iyadoo Wargeyska sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu markiiba amray in ruqsadda Pegasus loo cusbooneysiiyo Sacuudiga.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada