DAAWO:- Cabdi Xaashi iyo Boqor Buurmadow oo qaadacay doorashada Somalia eedeeyayna Rooble

DAAWO:- Cabdi Xaashi iyo Boqor Buurmadow oo qaadacay doorashada Somalia eedeeyayna Rooble

daajis.com:- Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Boqor Cusman Ow Maxamuud Buurmadoow oo ay garab taagnaayeen Siyaasiyiinta Gibolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta sheegay inay isaga baxeen doorashada Soomaaliya, iyaga oo faah faahiyay sababta ku kaliftay arrintaas.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ku baaqay in la joojiyo Jadwalka Doorashada Reer Waqooyiga ee dhawaan la soo saaray, isaga oo sheegay in boob lagu haayo.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in doorashada loo qabto si la isla ogyahay, sidoo kalena uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha iyo dadka ku howlan wadida doorashada inay jooniyaan.

Dhinaca kale Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa dhankiisa sheegay in ay ka  baxeen doorashada Soomaaliya,ayna u cadeeynayaan Beesha Caalamka in Ra’iisul Wasaaraha uu faragelin iyo boob ku haayo doorashada.

“Waan ka baxnay doorashada waxaan halkaan isugu nimid in aan u cadeyno Beesha caalamka iyo Soomaaliba’ Marka aan garan wayne cid aan kaga Dacwoona R wasaaraha Beeshiisa Habargidir Xitaa waan ugu dacwoonay ayuu yiri”Boqor Buurmadow.


Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaan weli ka hadlin eedeynta loo soo jeediyay, hayeeshee wuxuu kusoo aadayaa xilli kal hore Ra’iisul Wasaaraha uu ku eedeeynayay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo in uu faragelin ku haayo doorashada  alse, isagii lagu eedeynayo faragelin iyo boob doorasho.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada