Ciidamada Danab oo howlgal gaar ah fuliyay iyo Jeneraal Odawaa oo Faah faahiyay

Ciidamada Danab oo howlgal gaar ah fuliyay iyo Jeneraal Odawaa oo Faah faahiyay

daajis.com:- Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal qorsheesan oo ka dhan ah dagaalyahanada Al Shabaab waxa ay ka fuliyeen deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaanada Mubaarik iyo Daarusalaam.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Hawlgalka intii u socday lagu dilay 13 xubnood oo katirsan Al Shabaab oo isugu Jiray horjoogeyaal iyo dagaalyahano.
 
Waxa uu sidoo kale sheegay Jen Odawaa in howlgalka lagu burburiyey qaraxyo Al Shabaab ku diyaarinayeen deegaanadaasi, isaga oo intaa raaciyay in ciidamada la wareegeen qaarkoodna bur buriyeen Gaadiid iyo Mootooyin ay Al Shabaab adeegsan jireen.

Taliyaha ayaa ugu mahadceliyey Ciidanka AMISOM iyo kuwa Mareykanka oo gacan wayn ka gaystay hawlgalkan ay Danab fuliyeen, waxaana uu sheegay in hawlgalkaani uu qeyb ka yahay halwgalada dalka looga ciribtirayo Al Shabaab.
 

Al Shabaab ayaana wali wax war ah kasoo saarin warkan kasoo baxay taliyaha ciidanka xoogag dalka , waxaana mudooyinkii ugu dambeeyay ciidamada kumaandooska Soomaaliya Shabeelaha Hoose ka fulinayeen howlgalo gaadmo ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada