Ciidamo Maraykan ah oo heegan loo geliyay khilaafka Ukraine

Ciidamo Maraykan ah oo heegan loo geliyay khilaafka Ukraine

daajis.com:- Illaa 8,500 oo askari oo Maraykan ah oo diyaar u ah dagaal ayaa heegan sare ku jira iyadoo ay sii kordheyso xiisadda Ukraine sida uu sheegay xarunta gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon-ka.

Ruushku waxa uu sii wadaa in uu diido qorshaynta tillaabo milatari oo ka dhan ah Ukraine, in kasta oo 100,000 oo askari ay ka ag dhow yihiin.

Madaxweyne Biden ayaa la yeeshay kulan muuqaal ah isniintii xulafada Yurub iyadoo awoodaha reer galbeedka ay ujeedadoodu tahay istaraatiijiyad guud oo ka dhan ah Ruushka.

Pentagon-ka ayaa sheegay in aan wali go’aan laga gaarin in ciidamo la geeyo iyo in kale.

“Waxa kaliya oo ay dhici doontaa haddii isbahaysiga milatariga Nato uu go’aansado in uu dhaqaajiyo xoog falcelin degdeg ah, ama haddii ay jiraan xaalado kale oo la xiriira ciidamada Ruushka,” ayuu yiri xoghayaha warfaafinta ee Pentagon John Kirby.
Qaar ka mid ah xubnaha Nato, oo ay ku jiraan Denmark, Spain, France iyo Netherlands, ayaa durba qorsheynaya ama ka fikiraya inay diyaarado dagaal iyo maraakiib dagaal u diraan bariga Yurub si ay u xoojiyaan difaaca gobolka.

Dhamaadkii usbuuca, ilaa 90 tan oo ah hub qatar ah ayuu Mareykanku geeyay difaacyada safka hore ee dalka Ukraine.

Sidoo kale Madaxweyne Biden, kulanka fiidiyaha ee Isniintii waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi, Madaxweynaha Poland Andrzej Duda iyo madaxa Nato Jens Stoltenberg.

“Kulan aad iyo aad iyo aad u wanaagsan ayaan la yeeshay dhammaan madaxda Yurub,” ayuu yiri Mr Biden ka dib.

Afhayeen u hadlay Downing Street oo ah aqalka looga taliyo dalka UK ayaa sheegay in hogaamiyayaashu ay ku heshiiyeen muhiimada ay leedahay midnimada caalamiga ah ee ku wajahan cadawtinimada Ruushka ee sii kordhaysa.

Haddii duulaan kale oo Ruushku ku galo Ukraine uu dhaco, hoggaamiyayaashu waxay isku raaceen in xulafadu ay soo saaraan jawaabo aargoosi degdeg ah oo ay ku jiraan cunaqabata aan horay loo arag.

Horaantii Isniintii, Mr Johnson waxa uu ka digay in xogaha sirta ah ay muujinayaan in Ruushka uu qorsheynayo weerar biriqda ah oo ku wajahan caasimadda Ukraine ee Kyiv.

“Sirdoonka ayaa aad u cad in 60-kooxood oo Ruush ah ay ku sugan yihiin xudduudaha Ukraine, qorshaha dagaalka hillaaca ee Kyiv ka saari kara waa mid qof walba uu arki karo,” ayuu yiri.




“Waxaan u baahanahay inaan si aad ah ugu cadeyno Kremlin-ka, Ruushka, in taasi ay noqon doonto tallaabo masiibo ah.”

Kremlin-ka ayaa sheegtay in Nato ay u aragto khatar dhanka ammaanka ah, waxayna dalbanaysaa dammaanad qaad sharci ah oo ah in isbahaysigu aanu sii ballaarin doonin bariga, oo ay ku jirto dalka deriska la ah ee Ukraine. Balse Maraykanka ayaa sheegay in arrinta la isku hayo ay tahay gardarada Ruushka, ee aysan ahayn ballaarinta Nato.

Xigasho;BBC






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada