Daawo: Beesha Habar-gidir oo jawaab ka bixisay weerarkii lagu qaaday Rooble

Daawo: Beesha Habar-gidir oo jawaab ka bixisay weerarkii lagu qaaday Rooble

daajis.com:- Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Hoggaaminta Beelaha Habargidir Cabdullaahi Cabdulle Wehliye ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray qaar kamid ah siyaasiyiinta Gobolada Woqooyi ee ay ku weerareen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdullaahi ayaa sheegay in hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Boqo Buurmadow, Prof. Cabdi Ismaacii Samatar iyo siyaasiyiinta kale uu yahay gaf iyo meel ka dhac.

“Hadalkii kasoo yeeray siyaasiyiinta uu hoggaaminayey Boqor Buurmadow ee ahaa inay cabasho ka yihiin Rooble oo ay dacwad ugu tageen Beesha Habargidir, hadalkaas waa meel ka dhac nama qabato cid noo timaaday ma jirto,” ayuu yiri Cabdullaahi.


Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu yahay nin Soomaaliyeed, balse wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Habargidir, wuxuuna tilmaamay in Habargidir ay leedahay gole ay dhisatay.

“Sidaad ka war qabtaan Habargidir waxay dhisatay gole loo dhan yahay, anigaa guddoomiye ku xigeen ka ah, guddoomiyihii wuu xanuusan yahay ma jirto cid dacwad noo keentay oo ka socota Gobollada Woqooyi ama Beesha Dir, boqorka ayaa been sheegayo aniga ma lihi, laakiin hadalkaas annaga nama soo gaarin,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Cabdullaahi ayaa meesha ka saaray in Beesha Habargidir ay ka suurta geli karto inay meel iska dhigto dacwad ay usoo gudbiyaan Beelaha Reer Woqooyiga.

“Walaalaheen reer Woqooyi Galbeed waxaa nahay dad walaalo ah, waxaan nahay dad halgan soo wada galay, waxaan nahay dad wax badan ka dhaxeeyaan, waa dad aan xushmad u heyno  uma quurno inaan been ka sheegno,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Ugu dambeyntii gudoomiye ku xigeenka ayaa musiibo ku dhacday dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay inay maanta goobjoog ka yihiin Boqor Buurmadow, Prof. Cabdi Ismaaciil iyo guddoomiyihii Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo been sheegaya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada