Daawo: Madaxweyne Deni oo weerar cusub ku qaaday DF

Daawo: Madaxweyne Deni oo weerar cusub ku qaaday DF

daajis.com:- Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay inay ka go’antahay in shacabka Puntland ay helaan dowlad casri ah, halka uu dhinaca kalena weerar ku qaaday dowladda federaalka.

Saciid Deni ayaa ugu horeyn waxa uu shacabkiisa ku amaanay ilbaxnimada iyo dimuqraadiyadda ay muujiyeen intii ay socotay doorashadii golayaasha deegaanka ee 3-da degmo.

Saciid Deni ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed baahida ugu weyn oo ay qabaan ay tahay dhanka amniga, “Hadii aan la helin amni gacan aamina ku jira, waan garan karnaa waxa ka dhalan kara,” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in badanaa cabsi laga muujiyo qabsoomidda doorashooyinka Soomaaliya, isagoo caqabada koowaad u tiiriyey amni xumada dalka ka jirta.

“Inta badan waxaa cabsi laga muujiyaa suurta galnimada doorasho ka dhacda Soomaaliya, waxa ugu weyn ma ahan in dadku aysan doorasho rabin, mana ahan in farsamo ahaan aan doorasho la qaban karin, laakiin waxa ugu weyn ee na xayiray waa amniga,” ayuu yiri

Madaxweyne Saciid Deni, oo weeraraya dowladda federaalka, ayaa intaas ku sii daray in dowladii amniga dadkeeda sugi weysay hadii ay tiraahdo ‘waxaan qabanayaa doorasho qof iyo cod ah ay been u sheegtay dadkeeda.’


“Taasi waa sababta markasta doorashada dadban ee dhibka weyn noo geysatay aan uga gudbi la’nahay, waxaan u baahan inaan ku dhiirano inaan xasilino dalkeenna,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada