Dad ku dhintay isbuurasho ka dhacday garoon ay ka socotay Cyaar koobka Qaramada Afrika

Dad ku dhintay isbuurasho ka dhacday garoon ay ka socotay Cyaar koobka Qaramada Afrika

daajis.com:- Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday garoon kubaddeed oo ku yaalla Cammeroon.

Dhacdadan ayaa ka dhacday afaafka hore ee garoonka kubbadda cagta ee Yaounde’s Olembe xilli ay ku soo aaddanayed ciyaarta ka midka ah koobka qaramada qaaradda Afrika oo dhex mareyso Cameroon iyo Comoros.

Goob joogayaal ayaa ku tilmaamay muuqaalo qas ah oo ka dhacay bannaanka garoonka iyadoo kumanaan taageereyaal ah ay ku adkaatay inay galaan. 38-da qof ee dhaawaca ah, 7 ka mid ah ayaa xaaladoodu halis tahay.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ilmo yar, sida ay sheegeen saraakiil ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Garoonka ayaa waxa uu qaadaa ku dhawaad 60,000 oo qof. Saraakiisha ciyaarta ayaa laga soo xigtay in ilaa 50,000 oo qof ay isku dayayeen inay ka soo qeybgalaan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada