Hogaamiyaha afgembiga ku qabsaday Burkina faso oo balantii ugu horeysay qaaday

Hogaamiyaha afgembiga ku qabsaday Burkina faso oo balantii ugu horeysay qaaday

daajis.com:- Burkina Faso waxay ku soo noqon doontaa nidaamka dastuuriga ah marka ay xaaladdu hagaagto, ayuu yidhi hoggaamiyaha milatariga

Hogaamiyaha cusub ee militariga Burkina Faso Lieutenant Colonel Paul-Henri Damiba ayaa sheegay in dalka ku yaal galbeedka Afrika uu ku soo laabanayo nidaamka dastuuriga ah marka ay xaaladdu hagaagto.

Damiba ayaa markii ugu horeysay ka hadlay telefishanka qaranka tan iyo markii uu hogaaminayay kacdoonkii xilka looga tuuray Madaxweynihii dalkaasi Roch Marc Kabore Isniintii.

“Marka ay xaaladdu hagaagto, iyadoo la raacayo waqtiga kama dambaysta ah ee ay dadkeennu ku qeexi doonaan dhammaan dawladnimada, waxaan ballan qaadayaa inaan ku soo laabanayo nidaamka caadiga ah ee dastuuriga ah,” ayuu yiri Damiba.

Damiba wuxuu sheegay inuu isugu yeeri doono qeybaha kala duwan ee bulshada Burkina Faso si loogu heshiiyo qorshe lagu qorsheynayo laguna sameeyo dib u habeynta loo baahan yahay.




Junta ayaa sheegtay Isniintii ka dib markii ay xukunka la wareegeen inay soo jeedinayaan jadwalka dib ugu soo noqoshada nidaamka dastuuriga  laakiin ma uusan faahfaahin qorshayaashooda.

Saraakiishan oo isku magacaabay Dhaqdhaqaaqa Badbaadada iyo Soo celinta Wadaniyiinta ayaa habeenimadii Axadda bilaabay guluf dagaal, waxayna xilkii ka qaadeen Madaxweyne Kabore Isniintii, iyagoo ku eedeeyay inuu ku guul daraystay inuu xakameeyo rabshadaha sii xumaanaya ee mintidiinta Islaamiga ah.

Damiba waxa uu u ballan qaaday beeralayda iyo xoolo-dhaqatada iyo dadka ku nool dalkiisa ee ay saameeyeen rabshadaha kaga imanaya mintidiinta xidhiidhka la leh Al-Qaacida iyo Dawladda Islaamka, waxaanu sheegay in uu dib ula wareegi doono gacan ku haynta aagaggaas. amnigana uu mudnaanta siin doono.

Hadalka Damiba ayaa imaanaya ka hor shir madaxeed deg deg ah oo la qorsheeyay oo jimcaha ay isugu imaanayaan 15-ka xubnood ee ururka ECOWAS, kaasoo looga hadlayo sidii looga falcelin lahaa afgambiga.

ECOWAS ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay dalka deriska la ah Burkina Faso ee Mali iyo Guinea ka dib markii ay ciidamadu la wareegeen Ogosto 2020 iyo Sebtembar 2021, siday u kala horreeyaan.

Afgambigan u dambeeyay ee ka dhacay Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan kacdoonada dhiiga badan ku daatay ee Islaamiyiinta kaasoo lagu dilay kumaanyaal, malaayiin kalena ku barakaceen guud ahaan gobolka Saaxil, taasoo meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabay hoggaamiyeyaasha dimuqraadiga ah si ay ula dagaallamaan dhibaatada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada