Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal cusub tijaabisay iyo dowlado ka carooday

Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal cusub tijaabisay iyo dowlado ka carooday

daajis.com:- Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa halkeeda kasii wada tijaabada ay ku sameeneyso gantaalada riddada dheer, waxaana tijaabada ay sameeneyso Kuuriyada Waqooyi walaac xoogan ka muujiyay dowladaha Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in gantaalkii afaraad Kuuriyada Waqooyi tijaabisay, waxaana gantaalkii ugu dambeeyay Kuuriyada Waqooyi u riday dhinaca biyaha dalka Japan.

Xoghayaha guud ee golaha wasiirada dowlada Japan Hirokazu Matsuno, ayaa si kulul u cambaareeyay tijaabada gantaalkan kuna tilmaamay mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa horey wacad ugu martay in ay sii wadeyso sameesashada hubka Nukliyeerka iyo tijaabada ay ku sameeneyso gantaalada ridada dheer ee xambaari kara hubka nukliyeerka.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada