Mareykanka oo War kasoo saaray doorashada Soomaaliya

Mareykanka oo War kasoo saaray doorashada Soomaaliya

daajis.com:- Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya, Larry E.André ayaa dhaweeyay sida ay uga go’an tahay madaxda Soomaaliya in la soo gebagebeeyo doorashada Golaha Shacabka marka la gaaro 25-ka Febraayo.

Danjire André oo ku soo aaday xilli xasaasi ah oo lagu jiro doorashada federaalka, ayaa maanta la filayaa in uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safaaradda Maraykanka ayaa sheegtay in André uu horey arrimaha Soomaaliya ugasoo shaqeeyay markii uu ka ahaa La-taliyaha Safaaradda Nairobi ee 2006 ilaa 2008, isagoo Mareykanka u matalay shirar caalami ah oo ku saabsan geeddi-socodka nabadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Larry Edward André Jr bishii abril ee sannadkii hore u doortay inuu noqdo danjiraha cusub ee Mareykanka  u qaabilsanaan doona Soomaaliya.

Safiirka cusub ayaa beddelay Donald Yamamoto, oo ahaa danjiraha Soomaaliya tan iyo November 2018.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada