Maxaa kasoo kordhay xiisadda dagaal ee Ukraine iyo Ruushka?

Maxaa kasoo kordhay xiisadda dagaal ee Ukraine iyo Ruushka?

daajis.com:- Madaxaweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dalalka Galbeedka ugu baaqay inaysan abuurin walaac xilli ay ciidamada Ruushku ku sii siqayaan xudduudaha dalkiisa.

Mareykanka ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada Ruushka ee ku siqaya xadka Ukraine ay tahay arrintii ugu weynayd ee dhacda kaddib dagaalkii qaboobaa, isla markaana ay xasarad abuuri doonto haddii uu dagaal dhaco.

Ruushka ayaa beeniyay inuu qorsheynayo inuu duulaan ku qaado Ukraine, wuxuuna sheegay in taageerada Mareykanka ee Ukraine ay khatar tahay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sidoo kale ku eedeeyay reer galbeedka inay iska indhatireen walaaca dhanka ammaanka ee Ruushka.

Balse waxa uu sheegay in uu daraasad ku samayn doono jawaabta Maraykanka ka hor inta aanu go’aansan waxa uu samaynayo.

Maraykanka ayaa heegan galiyay 8,500 askar ah oo gobolkaasi ku sugan, taas waxaa barbar yaala ciidamada NATO laftooda oo iyaguna abaabulan.

Ruushka ayaa Maraykanka ku eedeeyay in ay hub badan geeyeen Ukrain. Maraykanka ayaa dhanka kale u digey dalka Belarus oo saaxiib la ah Ruushka, waa haddii ay caawiyaan Ruushka in ay la kulmi doonaan jawaab adag.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada