Meydadka laba Ruux oo laga helay duleedka Gaalkacyo

Meydadka laba Ruux oo laga helay duleedka Gaalkacyo

daajis.com:- Meydadka laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa saakay laga helay duleedka koofureed ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee uu ka arrimiyo Maamulka Galmudug.

Taliska booliska gobolka Mudug ee Galmudug ayaa meydadka dhalinyaradaas ku wareejiyey Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland G/Sare Muumin Cabdi Shire, waxaana socda howlgallo lagu baacsanayo ragii fuliyey dilkaas.

Falkaan ayaa dhacay kadib markii xalay koonfurta Gaalkacyo lagu dilay qof kale oo shacab ah, hase yeeshee Taliyaha booliska gobolka Mudug ee Puntland Muumin Cabdi ayaa saakay sheegay inay soo qabteen ragii xalay qofka shacabka ah ku dilay koofurta Gaalkacyo, kuwaas oo u baxsaday dhanka waqooyi ee magaalada.

Meydadka labada dhalinyarada ah ayaa waxaa ay kala yihiin Cabdiraxmaan Bootaan oo kamid ahaa Dhalinyaradii Tababarka Ciidannimo kusoo qaatay Turkiga iyo Cabdullaahi oo kamid ahaa dhalinyarada Gaalkacayo Dhinaca Puntland.


Wararka la helayo ayaa sheegaya in dhamaan dilalkaan ay la xiriiraan aanooyin qabiil iyo dilal horay uga dhacay degaano ka tirsan Gobolka Mudug.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada