Militariga Soomaaliya oo dilay lix ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab

Militariga Soomaaliya oo dilay lix ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab

daajis.com:- Ugu yaraan lix ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayaa saaka lagu dilay howlgal ay ciidanka xoogga dalka ka sameeyee deegaanno hoostaga magaalada Guriceel ee maamulka Galmudug, sida ay qortay warbaahinta dowladda.

Warbixintan ayaa intaas ku dartay in howlgalkan ay saaka sameeyeen ciidanka kumaandoosta ee Gorgor lagu dilay horjoogihii maleeshiyada Al-shabaab u qaabilsanaa howlgallada magaalooyinka Ceelbuur iyo Guriceel, kaas oo lagu magacaabi jiray Daa'uud Ibrahim Shaambil.

Ciidamada militariga ayaa weerar ku qaaday xarun la sheegay inay weerarro ka dhan ah deegaanka Gurigeel ay ka abuulayeen masheeshiyada Al-shabaab, waxayna sidoo kale ciidamadu soo bandhigeen gaadiid iyo hub ay sheegeen inay ka qabsadeen Al-shabaab.

Ciidamada dowladda oo kaashanayay kuwa Galmudug ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dagaallo kula galay maleeshiyada Al-shabaab deegaannada Ceel-dheere, Cadakibir iyo Baxdo, waxaana dagaallada ku dhintay saraakiil ka tirsana taliska 21-aad ee ciidanka Xoogga Dalka iyo tobabannaan ka tirsanaan maleeshiyada Al-shabaab.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada