Muqaal: Howlgallo ka socda Gaalkacyo, & Ciidanka Puntland iyo Galmudug oo beegsanaya

Muqaal: Howlgallo ka socda Gaalkacyo, & Ciidanka Puntland iyo Galmudug oo beegsanaya

daajis.com:- Ciidanka Booliska gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, ayaa howlgallo wadajir ah oo lagu xoojinayo Amniga xalay ka sameeyay magaalada Gaalkacyo.

Howlgalka oo ahaa mid ciidammadu si gaar ah uga fuliyeen goobihii ay labo habeen kahor ka dhaceen shaqaaqooyin lagu dilay saddex ruux, oo labo kamid ah ay ahaayeen saraakiil kamid ah ciidammada difaaca Puntland.

Ciidanka Booliska Puntland iyo Galmudug ayaa intii howlgaladu socdeen roondo ka sameeyay Suuqa ariga Dar-xumo, Cagarweyne, Xaafada Buulo-bacleey iyo goobo kale.

Taliyaha Ciidamada isku dhafka ah ee Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmadug, Cabdiqani Yaasiin Maxamuud (Haanfari), ayaa sheegay in goobaha howlgallada laga sameeyay ay ahaayeen halka ay kusoo aruureen kooxaha hubeysan ee qaswadayaasha ah ee kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo dhibaato ku haaya shacabka Gobolka Mudug.




Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay yihiin kuwo iibiya waxyaabaha maandooriyaha ah, isagoo ugu baaqay shacabka gobalka, gaar ahaan kuwa Gaalkacyo inay la shaqeeyaan ciidammada Amniga.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada