Rwanda iyo Uganda oo soo afjaray xiisaddii u dhexeysay

Rwanda iyo Uganda oo soo afjaray xiisaddii u dhexeysay

daajis.com:- Masuuliyiinta Rwanda ayaa saaka oo Jimcaha ah sheegay inay dib u furi doonaan xuduudda ay la wadaagaan Uganda, taas oo soo afjaraysa ku dhawaad saddex sano oo is-mariwaa ah oo u muuqday mid dhaawacay dhaqaalaha labada dal, isla markaana sare u qaaday cabsida laga qabo isku dhacyo hubeysan.

Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib muddo ay diblomadsiyad ahaan kala aamusnaayeen labada dal, iyada oo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu Rwanda u diray ergo uu ku jiro wiilkiisa Lt. Gen. Muhoozi Kainerugaba, si ay wadaxaajood ula galaan dhiggiisa Rwanda Paul Kagame.

Kainerugaba, oo ah taliyaha ciidamada lugta ee Uganda, ayaa ku sugnaa Rwanda Sabtidii. Horraantii toddobaadkan Museveni ayaa isbedello muhiim ah ku sameeyay laamihiisa amniga, isagoo xilka ka qaaday taliyihii sirdoonka militariga oo ay Rwanda si joogta ah u dhaleeceysay. Talaabadan ayaa u muuqata inay saamaysay Rwanda.

Rwanda ayaa markii ugu horreysay xirtay marinka mashquulka badan ee xadka Gatuna bishii Febraayo 2019, waxaana wadahadalladii xigay ee ay dhexdhexaadinayeen Angola iyo Congo noqdeen kuwa lagu guuldareystay in lagu xalliyo khilaafka, taas oo Uganda ku khasabtay in ay si gaar ah ula xaajooto Rwanda.


Dowladda Rwanda ayaa sheegtay in xadka u dhexeeya labada dal uu si rasmi ah dib ugu furmi doono Isniinta. War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay inay ka go’an tahay Rwanda inay si wanaagsan uga qayb qaadan doonto sidii caadiga ahayd ee xiriirka labada dal.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada