daajis.com:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Duran Farah, ayaa Shir-guddoomiyay Shir looga hadlayay kor u qaadista Ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, oo kamid ah marinada dalka laga soo galo.
Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah, Maareeyaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, Saraakiisha Amniga iyo AMISOM. Iyadoo warbixin looga dhageystay Hay’adaha Amniga garoonka, iyo sida ay u socdaan howlaha xaqiijinta Amniga garoonka.
Sidoo kale, Maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono dhismaha Parking-ka Garoonka.
Wasiirka Duulista Hawada XFS Duraan Axmed Faarax, ayaa bogaadiyey shaqooyinkii wanaagsan ee ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isagoo kula dardaarmay masuuliyiinta in la dardargeliyo howlaha loo hayo bulshada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:38 and have
, Published at