Wararkii ugu dambeeyey qarax ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Ghana

Wararkii ugu dambeeyey qarax ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Ghana

daajis.com:- Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa uu ku dhacay mooto mareysay galbeedka Ghana, kadibna uu sameeyay qarax weyn, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen Jimcihii.

Shilkan ayaa ka dhacay deegaanka Piate, oo u dhow Bogoso, oo ah magaalo macdanta laga qodo oo ku taal degmada Dooxada Prestea-Huni, sida uu sheegay madaxa fulinta dowladda hoose ee degmada Isaac Dsamani.

Gaariga ayuu sheegay in uu siday waxyaabaha qarxa oo loo waday godka dahabka laga qodo ee Chirano ee ku yaala Galbeedka Gobolka.

Qaraxa ayaa burbur weyn u geystay tuulada APIate, oo ay ku nool yihiin ilaa 500 oo qof. “Waa xaalad murugo leh,” ayuu yiri Prosper Baah oo ah ku simaha madaxa adeegga gaadiidka caafimaadka.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa qortay in muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxu ka dhcay oo la soo dhigay baraha bulshada uu muujinayay guryaha goobta ka agdhawaa oo si weyn u burburay.


“Runtii waa dhacdo nasiib darro ah, naxadin iyo murugona leh” ayuu ku yiri Madaxweynaha Ghana Nana Addo Dankwa Akufo-Addo qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, isagoo si qoto dheer uga tacsiyeeyay qoysaska dadka dhintay.

VOA






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada