XOG: Amniga madaxweynaha Hirshabelle oo lagu wareejinayo ciidanka Itoobiya

XOG: Amniga madaxweynaha Hirshabelle oo lagu wareejinayo ciidanka Itoobiya

daajis.com:- 
Waxaa Magaalada Beledweyne maalmaha soo socda ku wajahan sida uu qorshuhu yahay Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Cali Guudlaawe ayaa dhawaan waxa uu la kulmay Safiirka Itoobiya ufadhiya Somalia iyaga oo ka wada hadlay arimo aay ugu horeeyaan sidii looga caawin lahaa tegitaanka Beledweyne.

Safiirka iyo Cali Guudlaawe ayaa ku heshiiyey in Magaaladaas la geeyo Amnigiisana ay mas’uul ka noqdaan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiyaanka ah ee kusugan B/weyne.

Weli ma jirto war kasoo baxay Ciidanka Jabuuti ee maamula garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo wax talo gelin ah laga siinin safarka Madaxweyne Guudlaawe ku tegayo Caasimada gobolka Hiiraan.

Warar la helay ayaa sheegaya in Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed ay Qorshahooda bedeleen ee ku aadanaa doorashada iyo sida loo qabanayo kuraasta taalla B/weyne.

Doorka tegitaanka Madaxweyne guudlaawe ee Gobolka Hiiraan waxaa fududeyn ka ah Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Madaxweyne Farmaajo,sida xogaha ay sheegayaan.

Dhinaca kale wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu Cali Guudlaawe Khudbad ka jeedin doono Xerada Lamagalaay kadibna uu dib uga soo laaban doono magaaladaasi saacado ayaana uu kusugnaan doonaa.

Golaha Kacdoonka Hiiraan ayaa dhankooda wada Dhaqdhaqaq xoogan kaas oo ay kaga hortagayaan arintaan xilli general xuud uu kusugan yahay Muqdisho balse saraakiil uu ka mid yahay Nuur Dheere oo golaha Kacdoonka ku jira ayaa halkaasi weli kusugan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada