XOG: Fahad Yaasiin oo laga hor istaagay qorshe uu udejiyey xildhibaanimada uu rabo

XOG: Fahad Yaasiin oo laga hor istaagay qorshe uu udejiyey xildhibaanimada uu rabo

daajis.com:- Lataliyaha amniga qaran Madaxweyne Farmaajo ayaa isku diyaarinaya safar uu ku tego magaalada beled weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo la rumeysan yahay inuu jagada xildhibaanimo ee golaha shacabka inuu helo ayaa hadana waxa uu wajahi doonaa shirqoolo siyaasadeed uu la kulmi karo.

Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa warar hoose laga helay ay xaqiijiyeen in fahad uu diyaar garoow badan ugalay kala dhantaalka lagu sameenayo awood walbo oo kursiga uu raadinaya hor istaageysa.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shaaca ka dhigay in beesha reer aw xasan ay odayaashooda isku afgarteen in la siiyo kursiga lana hor istaago damaca mar kale uu doonayo Faarax Sheekh C/qaadir oo ay isku beel yihiin.

Kala fur furida lagu keenay hab siyaasadeedkii mucaaradka ee kuraasta taalla Beled weyne ee 25 kursi golaha shacabka ayaa waxa hadana jira in Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ay ku gacan sareeyaan gobolkaasi.

Beesha xawaadle oo aheyd mida ugu adag ee gobolkaasi ku dhaqan oo doorashadeeda buuqa ka taagnaa ayaa Nabad iyo Nolol waxay umuuqataa in markaan iyada ku guuleysatay hab maamulida gobolkaasi.

Fahad oo markii hore isku dayey in Jowhar loo soo wareejiyo kursiga uu rabay ayaa hadana culeys la saaray taas usuurta geli weysay,iyadoo cali guudlaawe uu doonayey inuu si fudud usoo saaro.

Qorshaha Fahad ee la xiriira inuu tego Beled weyne waxaa ka horeeya in baabuurta xabada karin laga dejiyo halkaasi kadibna doorashada markii ay soo dhawaato isaga uu halkaasi tego.

General Xuud ayaa qudhiisa nabad iyo nolol ubandhiganaya sidii xildhibaan beeshiisa ah looga dhigi lahaa,oo heshiis siyaasadeed iyo gacmo isqabasho cusub la galaya.

Lama oga hanka Fahad yaasiin ee xildhibaanimada uu rabo iyo halka uu ku dambeyn doono xilli doorashada kuraasta golaha shacabka ee liiska hirshabelle soo saartay kursigaasi dib loo dhigay waana Hop#086 midka Faarax Sheekh C/qaadir uu ku fadhiyo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada