XOG: Xuluumadda Nairobi oo la ogaaday shakhsiga ay la rabto Madaxweynaha Cusub Soomaaliya

XOG: Xuluumadda Nairobi oo la ogaaday shakhsiga ay la rabto Madaxweynaha Cusub Soomaaliya

daajis.com:- Akhbaaraad aan helnay ayaa sheegaya in safar deg deg ah madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ugu ambabaxayaan Dalka Kenya.

Si hoose xog loo ogaaday ayaa warineysa in Labada Madaxweyne waa Deni iyo Madoobe in ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Magaalada Nairobi.

Xili ay Xuluumadda Uhuru Kenyatta hogaamiyo labada dhinac ugu yeertay dalkeeda, iyadoo Axmed Madoobe la kulmay madaxda Sirdoonka ee dalka Kenya, una soo qadimeen codsigooda gaarka ah.

Dhinacyada ayaa loogu yeeray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, Siciid Deni ayaa u taagan Madaxweynaha Soomaaliya inkastoo weli uusan shaacin murashaxnimadiisa, balse Kenya dano siyaasadeed ayey ka leedahay Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta ayaa ku dedaalaya sidii loo hor istaagi lahaa damaca Madaxweyne Farmaajo oo mar kale xukunka kusoo laabta,islamarkaana taageereysa Deni oo dalka Madaxweyne ka noqda.

Madoobe ayaa cadaadis ba’an kala lulmaya Kenya, oo doonaysa in uu ka baxo garabka Deni, halka ay Axmed hadda ku adag tahay talaabadaas.

Lama ogaan karo go’aanada kasoo baxaya Shirka gaarka ah ee Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ku yeelanayaan Magaalada Nairobi.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada