Xukuumadda Soomaaliya oo war kasoo saartay xirnaanshaha suuqa Bakaaraha

Xukuumadda Soomaaliya oo war kasoo saartay xirnaanshaha suuqa Bakaaraha

daajis.com:- Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya Cabduulaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay xirnaanshaha suuqa bakaaraha, kaas oo maalintii 3aad u xiran casnhuuro xad dhaaf ah ay kusoo rogeen Daacish, sida ay ganacsatadu sheegeen.

Wasiirka amniga ayaa xirnaanshaha suuqa bakaaraha u sababeeyay, in ay qeyb ka tahay saamaynta ka dhalatay ciidamadii loo daabulay magaalada Baladweyne ee uu sheegay in loo adeegsanayo arrimo siyaasadeed.

Wasiirka ayaa sheegay in ay la kulmeen ganacsatada ka cabanaysa canshuurta Daacish, wuxuuna sheegay in dowladdu tallaabo ka qaadanayso cid kasta oo ka dambeysay dayacaada amniga suuqa Bakaaraha.

“Shaqooyinkeenna waxaan kaga mashquulnay cabashadii iyo dacwadihii ay noosoo gudbiyeen shacabka iyo ganacsatada. Tallaabooyinka qaarkood oo aan laga wada tashan oo aan la qorshayn, waxay yeeshaan saamaynta degdega ah sidaas oo kale,” ayuu yiri wasiirka amnigu.

 


Ganacsatada suuqa bakaaraha ayaa ganacsigoodii u xiray kadib markii ay cabasho ka muujiyeen lacago canshuur ah oo aysan awooddi karin oo kusoo rogeen ururka Daacish.

Ganacsatada ayaa hadda bixiya labo canshuur oo ay kala siiyaan dowladda Soomaaliya iyo kooxda Alshabaab.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada