ABAAL MARIN:- Askari la dalacsiiyay kadib markii uu ka umuliyay haweeney xaamilo ah

ABAAL MARIN:- Askari la dalacsiiyay kadib markii uu ka umuliyay haweeney xaamilo ah

daajis.com:- Humphrey Mangisani ayaa loo dalacsiiyay sababo la xiriira geesinimadiisaImage caption: Humphrey Mangisani ayaa loo dalacsiiyay sababo la xiriira geesinimadiisa
Askari reer Zambia ah ayaa mutaystay dalacsiin ka dib markii uu caawiyay haweeney uur leh oo ilmo ku umushay beer galley ah dhexdeeda.

Humphrey Mangisani ayaa loo dalacsiiyay sababo la xiriira geesinimadiisa.

Sheekadan ayaa todobaadkii hore ka dhacday degmada bari ee Petauke, ee dalka Saambiya taas qabsatay bogagga hore ee warbaahinta.

Mangisani ayaa sheegay in loogu yeeray si uu u caawiyo haweeneyda oo foolanaysay.

Waxa uu abaabulay mooto lagu geeyo cisbitaalka ka dib isagii ayaa ka dabaqaatay mooto kale balse fooshii ayaa haweeneyda si degdeg ah ugu korodhay oo waxay ku qasbanaadeen in ay iska dhaafaan mootooyinka, waxayna ku leexdeen beer galley ah oo ku taalla waddada hareerteeda si ay halkaasi ugu dhasho.

"Waxaan si degdeg ah u helay sakiin oo iga caawisay inaan ku gooyo xuddunta. Roob baa da’ay markay umuleysay. Si degdeg ah ayaan markiiba canugii ugu qaaday isbitaalka, hooyaduna way daba socotay,” ayuu yiri.

Askariga ayaa canaan la kulmay maadaama uu ka maqnaa xerada fasax la’aan

Si kastaba ha ahaatee, hooyada oo uu mahadcelinaysa ayaa askariga siisay fursad uu magac ugu bixiyo wiilka ay dhashay wuxuuna u bixiyay Raymond.

Xafladda dallacsiintiisa, ayuu taliyaha bilayska General Kelvin Kanguma ku yiri: "Ma tihid dhakhtar caafimaad, laakiin waxaad u istaagtay in gabadha aad ka caawsio inay si bad qabta ku dhasho."

Taliyaha ayaa sheegay in tallaabadaasi ay bedeshay aragtida shacabka ee askarta.

"Waxaad muujisay in askarigu yahay qof wax tari kara."

Wasaarada caafimaadka ee Zambia ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in in ka badan 100 caruur ah ay u dhintaan todobaad walba sababo la xiriira inay dib uga dhacaan xilliyadii la geyn lahaa isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka oo inta badan aad uga fog.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada