Al Shabaab oo soo bandhigtay Wariye ka tirsanaa mid kamid ah Telefishinada Soomaalida (Sawirro)

Al Shabaab oo soo bandhigtay Wariye ka tirsanaa mid kamid ah Telefishinada Soomaalida (Sawirro)

daajis.com:- Xarakada Al Shabaab ayaa deegaan katirsan gobolka Baay kusoo bandhigtay wariye katirsanaa Telefishinka maamulka Koonfur Galbeed , kaa oo la sheegay in uu si iskiis ah isugu dhiibay Al Shabaab.

Xuseen Iimaan Cabdullaahi oo ahaa wakiil wareedkii Telefishinka Koonfur Galbeed u joogay magaalada Diinsoor ayaa isaga oo watay kaamiradiisa shaqada isku dhiibay kooxda Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Baay.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa shaacisay in Wariye Xuseen Iimaan ka qoomameeyay in uu la shaqeenayay maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna warbaahinta Al Shabaab shaaciyeen in wariyaha is dhiibay cafis loo fidiyay.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ay isku soo dhiibeen xubno katirsanaa shaqaalaha maamulka Diinsoor iyo saraakiil ciidan, waxa ayna xuseen in ay kala firxadeen maamulkii Koonfur Galbeed ugu magacawnaa Diinsoor.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada