Amal inta aan Qarax la kulmin waxay tiri Waligeey Ergo ma noqonin mana ka qeyb galin

Amal inta aan Qarax la kulmin waxay tiri Waligeey Ergo ma noqonin mana ka qeyb galin

daajis.com:- Waligeey Ergo ma noqonin mana ka qeyb galin, waxaa ka baqayaa sidii aan berri ugu qeyb lahaa. Iisoo duceya hadduu alle inabadkeeno” waa hadalkii u dambeyay ay tiri Amal Baashe ka hor inta aysan Qarax ku dhaawacmin shalay.

Amal waxaa soo gaaray dhaawac halis, waxa ay hadda jiiftaa Isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho mana jirta illaa hadda masuuliyiin dowladeed ku soo booqday isbitaalka. Amal dhaawac ayaa ka soo gaaray madaxa, wajiga iyo qeyb kale ee jirkeeda.

Amal waxa kamid eheed ergooyin ka soo jeeda magaalada Boorama kuwaasoo shalay loo soo xulay inay doortaan xilidhibaanada kasoo jeeda Somaliland. Qarax shalay ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho ayay ku dhaawacantay iyadoo saaran Baska ergooyinka lagu waday.

Fadlan aan u duceyno walaasheen Amal oo maanta noogu baahan duco. Siina faafi si dadkale ugu duceyan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada