Ciidanka Kumaandooska DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka Kumaandooska DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay

daajis.com:- Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyay degaano katorsan Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen degaanada kala ah Sanguuni, Muuse Xaajji, Arraare, iyo Koban oo dhamantood katirsan Gobolka Jubada Hoose.

Saraakiil katirsan Ciidanka DANAB ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa Burburinta Goobo Al-Shabaab ay kaga sugnaayeen degaanadaas, iyagoo halkaas ka fulin jiray weeraro kala duwan.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa dhowr jeer howlgallo kala duwan ka fuliyay degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose, oyaga lo mararka qaar weeraro kala duwan kala kulma Al-Shabaab.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada