daajis.com:- Dagaalyahan ka tirsanaa kooxda Alshabab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dowlada
Cismaan Abii Bakar Maadey oo la sheegay in muddo saddex sano ah uu ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Bakool.
Sarkaal ka tirsan ciidamadab dowlada ayaa sheegay in Cismaan loo sameyn doono dhaqan celin iyo nolol wanaagsan, isagoo ugu baaqay xubnaha kale ee ku jira Al-shabaab iney ku daydaan Cismaan.
Ciidamada dowladda Soomaalida ayaa dhowr mar oo hore shaaciyay Saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay dowladda Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:50 and have
, Published at