Daawo Sawirada:- Sida madaxweyne Cali Guudlaawe loogu soo dhoweeyey Beledweyne?

Daawo Sawirada:- Sida madaxweyne Cali Guudlaawe loogu soo dhoweeyey Beledweyne?

daajis.com:- Madaxweynaha HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa markii ugu horreysay, tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee maamulkaasi maanta ka degay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cali Guudlaawe iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kasoo kicitimay Jowhar, waxayna toos uga degeen garoonka Ugaas Khaliif ee Beledweyne, halkaas lagu soo dhoweeyey.

Safarkan waxaa madaxweynaha HirShabelle ku wehlinayo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa, isla-markaana qayb ka ah dadaallada xalka loogu raadinayo Beledweyn.

Sidoo kale waxaa Cali Guddlaawe iyo wafdiga uu horkacayo loo sii galbiyey dhanka madaxtooyada uu maamulka ku leeyahay Beledweyne oo ay ku soo dhoweeyeen ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo saraakiil ciidan.

Ammaanka Beledweyne ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana inta badan la xiray wadooyinka magaalada, si looga hortego rabshado ka dhaca magaaladaas oo qaybo ka mid ah ay ku sugan yihiin ciidamo gadoodsan oo la magac baxay Kacdoonka gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kulamo wadatashiya ah ka bilaabi doono Beledweyn, kuwaas oo looga hadlayo inta badan tabashada reer Hiiraan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay la xiriirtay Shabakadda Caasimada Online.

Beledweyn ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shhacabka Soomaaliya, taas oo qayb ka ah safarka Cali Guudlaawe uu maanta ku tegay magaaladaas oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

Si kastaba, arrimahan oo idil ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli Jeneraal Xuud oo ku sugan Muqdisho & sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere ay ka soo horjeesteen abuulka ka socda halkaasi, iyaga oo si weyn uga biyo diidaya safarka madaxweyne Cali Guudlaawe.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada